Uhuro oo saxiixay in Ragga Kenya guursan karaan…

uhuroMadaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyata, ayaa qalinka ku duugay oo saxiixay sharci Nimanka Kenyanka ah u ogolaanaya, ineey guursan karaan Xaasas intii ay doonaan, iyagoon la tashan xaasaskooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in uu madaxweynaha saxiixay sharciga guurka oo dhowr qeybood ka koobnaa.

Sharcigani oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa dhawaan meel mariyay aqalka baarlamaanka dalka, kadib markii ay mudo ka doodayeen.

Xubnaha wakiilada haweenka ee aqalka sharci dajinta ayaa horay uga soo hor jeestay sharcigan, waxaana ay u ololeynayeen in meesha laga saaro.

Talaabada uu madaxweynaha ku saxiixay xeerkaan ayaa la micno ah in muwaadidiinta raga ah ee Kenya ay guursan karaan wax ka badan 1 xaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here