Uhuro Kenyatta oo magacaabay 16-wasiir oo ka mid ah xukuumadda cucub

Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa oo ka arrinsanaya xukuumadda cusub
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto ayaa ku dhawaaqay inta badan golaha wasiirada cusub ee dalka Kenya.

Wasiiradda la magacaabay oo ay ku jiraan shan haween ah, waxaa ka mid ah Amiina Maxamed oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Kenya.

Mrs Aamina ayaa oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya waa haweyneydii ugu horreeyay ee loo magacaabo wasiirka arrimaha dibedda Kenya.

Kenyatta ayaa markii la doortay wuxuu ballan qaaday in xukuumadda cusub ay door ku lahaan doonaan haweenka.

Salaasadii horre ayuu magacaabay afar wasiir oo ay ku jirto Aamino oo horrey uga soo shaqeesay magaalada Geneva , Aamina waa diplomaasi dhowr sanno ka soo shaqeesay waddamo dhowr ah.

Wasiiradda kale ee la magacaabay waxaa ku jirra wasiiro horre oo uu ka mid yahay Najiib Ballaala oo horrey u ahaa wasiirkii dalxiiska ee Kenya.

Ballaala ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta ee dalka Kenya.

Wasiirka warshaddaha ayaa loo magacaabay Aadan Maxamed oo ah nin Soomaali ah, waxaana uu dhowr sanno ahaa madaxa Bankiga Bangles ee bariga Africa.

Tirade wasiirada cusub ee xukuumadda Kenya ayaa gaaraya ilaa 18-wasiir waxaana hadda dhimman ilaa 2-wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka.

Si kastaba, dadka rogroga siyaasadda gobalka waxa ay lee yihiin Uhuro Kenyatta waxa xukuumadiisa ay umuuqataa xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii September la doortay ayaa dowladiisa waxaa xilka wasiirka arrimaha dibedda heesa qof haween ah.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisal wasaare ku xigenka Soomaaliya waa markii ugu horreysay oo xilkaas oo kale qof dumar loo magacaabo taarikhda dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here