Uhuro Kenyata oo lagu martiqaaday shirka Soomaalida ee London

Doowlada ingiriiska ayaa madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Kenya Uhuro Kenyata ku casuuntay inuu ka qayb galo shirka bisha May7-deeda ka dhici doona magaalada London, kaasoo looga hadli doono arimaha Soomaaliya.

Waxay noqon doontaa booqashadii ugu horeysay ee uu Uhuro ku tago mid kamid ah wadamada reer galbeedka, walibo Britain waxay kamid ahayd doowladihii sida weyn uga soo horjeeday doorashada Uhuro oo ay dacwad kaga furantahay maxkamada danbiyada Caalamiga ah ee ICC.

“Kenya waa xubin fir fircoon oo kamid ah Saaxiibada Soomaaliya, waana muhiim ineey ka qayb gasho wadahadalada Soomaaliya” sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Kenya.

Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Kenya, aya xaqiijiyay in madaxweyne Uhuro uu ka qayb gali doono shirka Bishan May ka dhici doona London islamarkaasna diirada lagu saari doono sidii loo taageeri lahaa doowlada Soomaaliya.

Kenya, ayaa sanadkii lasoo dhaafay si lama filaan ah gudaha Soomaaliya ugu soo dirtay Ciidamo gaaraya 5,000 oo askari kuwaasoo Al-shabaab ka saaray gobolo iyo deegaano hoostaga Jubooyinka Iyo Gedo, oo ay ugu muhiimsaneed magaalo xeebeedka Kismaayo, halkaasoo ahayd fariisinka ugu weyn ee Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here