Ugandha & Q.M oo isku fahmi la’ Arin ka dhacday Dalka Somaliya

QM,ayaa shaacisay in aysan ka bixin doonin Magdhow seddex diyaaradood oo ahaa Nooca Qumaatiga Uduula oo ay la hayd dowladda Uganda kuwaa soo ku bur buray Buurada Mount Kenya xili ay usoo socdeen dalka Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan Howlgallada Midowga Africa Sandkii 2012.

“Ma arko wax ifafaalo wanaagsan in Qaramada Midoobay ay magdhaw inaga siin doonaan khasaaraha diyaaradaha qumaatiga u kaca, Waxaana sameyn doonaan wax kasta oo suurto gal ah in aan helno magdhow ah diyaaradihii helicopters-ka ahaa ee naga bur buray , “ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Difaaca, Gen Katumba Wamala, oo Saxaafada xarunta ciidamada ee Mbuya,ee caasimada Kampala, warkaan ugu sheegay.

Urur caalami ah oo ka shaqeeya Hubka caalamka loo kala gudbiyo ee la yiraahdo “SIPRI” ayaa sheegay in saddexda Diyaaradood ee Milliteriga Uganda ka burburay ay ahaayeen nooca MI 24 kuwaasi oo kharajkooda guud dhan yahay 10-million oo Dollar.

Gen Katumba ayaa Qiray in Qaramadda Midoobe ,aay Uganda ushegtay inta diyaaradaha qumaatiga u kaca inta aysan guda galin goobta howlgalka, Somalia ay burbureen.

Sedexda diyaaradood ee dowladda Uganda ay magdhowga uraadineyso,ayaa waxaa ay ku bur bureen Buuraha Mount Kenya bishii August sanadkii 2012,iyadoona loo sababeyay Cimida oo aad uxumeed,waxana ku geeryooday todobo xubnood,iyadoona ay ku dhawacmeen tiro intaasi ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here