Ugandha oo Midowga Afrika ka dalbatay Askar uga geeriyooday Howlgalka AMISOM

Bandhiga-meydadka0-300x225Dowlada Uganda ayaa muujisay ku qanacsanaan la’aanta dib udhiga lagu sameeyay magdhowka lasiin lahaa qoysaska askartooda ay kugeeriyoodeen iyagoo ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM ,iyo hantidii Uganda uga burburtay intii ay ku burtay howlgalka AMISOM.

Sida laga soo xiganayo wasiirka gaanshaadhiga wadanka Ugdan Dr.Crispus Kiyongo ,Uganda wali ma aysan helin magdhowga hantidii ka burburtay iyo askartiii Soomaaliya looga dilay,sida diyaaradii uga burburtay gudaha wadanka Kenya sanadkii 2012 taa oo usoo socotay wadanka Soomaaliya,burburkeedana ay kudhinteen ilaa 7 askari.

“Waxaan ciidamo badan kuweenay Soomaaliya,kuwaa oo ay kamidyihiin 8 askari ee lagu dilay weerarkii Xalane ee dhacay ciidii Christimiska ,balse wali magdhow maanan helin” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Uganda.

Dowlada Uganda ayaa marar badan ka codsatay midowga Africa in uu magdhow kabixiyo hantida iyo ciidamada dowladu ay ku weesay howlgalka Soomaaliya,balse Midowga Africa ayaan wali kahadlin.

Wadanka Uganda waa dalkii ugu horeeyay ee ciidamo magaca AMISOM ku howlgalaya usoo dirtay Soomaaliya sannadkii 2007 ,markaa oo labilaabay howlgalka Midowga Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here