Uganda oo si KMG ah looga xanibay baraha bulshada ku wada xiriirto

635946115509211538-1927645461_social mediaShirkadaha internet-ka bixiya ee Uganda ayey xukuumaddu ku amartay inay xiraan galidda baraha bulshada, maalin uun ka hor inta aan mar kale xilka loo dhaarinin madaxweyne Museveni.

Talaabadan ayaa timid ayadoo madax qaaradda Afrika ka socota ay imaanayaan dalka, ka hor caleema-saarka madaxweyne Museveni ee maanta oo Khamiista ah dhacaysa.

Baraha bulshada ayaa horey Uganda looga xannibay intii ay socotay doorashadii dhacday February.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye, oo sheegta in uu doorashada ku guulaystay, ayaa gelinkii hore ee Arbacada lagu xiray Kampala.

Xaflad uu isku caleemo saaray ayuu qabtay, taasoo ku dhex wareegaysay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here