Uganda oo sanadka 2017 ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya

Uganda oo sanadka 2017 ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya
Uganda oo sanadka 2017 ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya

Wargeyska Dailystar, ayaa maanta daabacay in Uganda ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya sanadka soo aadan ee 2017.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Uganda, ayaa sheegay in marka uu sanadkaan dhamaado, Uganda ay gabi ahaanba ciidamadeeda dib uga soo saari Doonto Soomaaliya.

Uganda waa Doowladii ugu horeeysay ee Sanadkii 2007 ciidamo u dirtay Soomaaliya, markaasoo Doowladii AUN Cabdulaahi Yuusuf ay dalka maamuleysay, islamarkaasina ay dagaalo qaraar ka socdeen Caasimadda Muqdisho, Sidoo kale Uganda waa dalka ay ciidamada ugu badan haatan ka joogaan Soomaaliya.

Doowladaha Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, ayaa iyagana Ciidamo usoo diray Soomaaliya, taasoo tirada guud ee hada AMISOM kaga Soomaaliya ka dhigeysa 22,100 askari, iyadoo 6,200 kamid ah ay leedaha Uganda.

162795795

“Waxaan qorsheyneynaa in Ciidamadeena aan kasoo saarno Soomaaliya ilaa Bisha December sanadka 2017” sidaa waxaa yiri taliyaha guud ee ciidamada Uganda General Katumba Wamala.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska guud ee AMISOM, kaasoo ku aadan hadalka kasoo yeeray Uganda. Sidoo kale go’aanka Uganda ay qaadatay, ayaa kusoo aadaya xili midowga Yurub ay dhimeen qarashaadkii ay ku bixin jireen Howlgalka AMISOM.

Sidoo kale Kenya ayaa iyana dhawaan ku dhawaaqday, ineey ka fiirsaneyso sidii ay ciidamadeeda dib uga soo saari lahayd Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here