Uganda oo Ka Hadashay Sarkaalkii Ay Al-shabaab Shalay Soo Bandhigeen

Masassa M.YDoowlada Uganda ayaa ka hadashay Sarkaalkii ay al-shabaab soo bandhigeen, kaasoo ay ku qabsadeen dagaal sanad kahor ka dhacay Deegaanka Jannaale Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Milatariga guud ee Uganda Paddy Ankunda, ayaa xaqiijiyay in askariga ay al-shabaab soo bandhigeen uu kamid ahaa ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Askarigaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Masassa M.Y. waxaana shabaabku ay ku qabteen dagaal sanad kahor ka dhacay deegaanka Jannaale ee Shabeelaha Hoose.

Doowlada Uganda ayaa horay u sheegtay, in dagaalkii Jannaale ay ku waayeen nolosha mid kamid ah askartiisa.

Dagaalkii Jannaale ayay shabaabku dileen ilaa 50 kamid ah ciidamada Uganda oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here