Uganda oo dalkeeda kasoo celisay Soomaali fara badan

indexeeSoomaali farabadan ayaa waxaa Saacadihii ugu danbeeyay laga soo celiyay Garoonka diyaaradaha Entebe ee magaalada Kampala, waxaana arintaan ay ka danbeysay markii ay doowlada Uganda aay u adkeysay amaanka, iyadoo ay jiraan digniino sheegaya in shabaab ay doonayaan ineey weeraro ka geystaan qaybo kamid ah dalkaas.

Soomaalida laga soo celiyay Garoonka Entebe, ayaa la sheegay ineey buuxin waayeen Foomam yaala halkaas, waxaana Foomkaas la buuxinayo kamid ah, in qofka uu sheego halka uu usocdo iyo qof isaga damiin ka ah ineey jirto.

Dhanka kale Jaaliyada Soomaalida Uganda ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Amaanka dalkaasi, si ay u xoojiyaan wada shaqaynta dhinaca amaanka, islamarkaasina ay meesha uga saaraan Culeyska soo foodsaaray Soomaalida.

Xuseen Abuubakar Xasan (Garweyne) waa Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Uganda,  Waxaa uu sheegay in Jaaliyada ay la kulmeen hey’adaha ammaanka, ayna kala hadleen arrimaha sugida ammaanka, isagoo tilmaamay inay sameeyaan xafiis laga diiwaan geliyo Soomaalida imaaneysa Uganda.

“Waxaan sameynay Xafiis diiwaan gelin ah oo loogu fududeynayo dadka imaanaya halkan, marka Taksi lagaga soo qaado Entebe waxaa la keenayaa Xafiiskaas, kii caafimaad u socda waa loo fududeynayaa, hadii waxbarasho u socdo iyo hadii qaxooti u socdo”ayuu yiri Gudoomiyaha oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Soomaalida ya dhibaato iyo bahdil aad u xoogan kala kulma Garoonka diyaardaha Entebe ee magaalada Kampala, waxaana ugu daran in laga qaado lacago laaluush ah, hadii aysan bixina aan loo ogolaan ineey Garoonka ka baxaan.

Dalka Ugandha ayaa waxaa maalmihi lasoo dhaafay sidoo kale laga bilaabay hawlgalo ku aadan wax loogu yeeray ka hortaga argagaxisada, waxaana jira dad gaaraya 12 qof oo Soomaali ah oo ay ciidamada amaanka u xireen arrimo kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here