Uganda oo cadaadis lagu saarayo in ciidankeeda kala baxdo Somalia

Kooxaha Ololeeyayaasha Uganda ayaa cadaadis ku saaraya dowlada in ay ciidankeeda kala soo baxdo Soomaaliya hadii kalana ay sameyn doonaan mudaaharaadyo waaweyn.

Arintaan ayaa ka danbeysay marki sadex diyaarad oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay ku bur bureen dalka Kenya xilli ay kusii jeedeen dalka Soomaaliya oo ay Uganda ka joogaan ciidamo fara badan.

Hanjabaadan ayaa soo laabatay laba jeer todobaadkaan, waxaana kooxahan ay dalabanayaan in ciidamada Uganda oo gaaraya 6,000 kana tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee jooga Soomaaliya si dhaqso ah loo soo saaro.

Kooxahan waxay ka caroodeen bur burka diyaaradahi Kenya uga dhacay Uganda kuwaas oo ay ku dhinteen 7 askari, waxaana ay dhalisay su,aalo ah in la iska weydiyo sababta ay u joogaan Soomaaliya askarta sidaasi u badan ee Ugandes-ka ah.

Bernard Luyiga, oo madax ka ah Ururka Isbaheysiga Deegaameynta Soomaaliya ayaa shalay cambaareeyey sirta ku duugaan sababta ay Uganda ugu lugta leedahay arrimaha Soomaaliya.

Saraakiisha Uganda wali si sax ah uma aysan sheegin tirada askari ee ciidamadooda loogaga dilay Soomaaliya tan iyo marki ay galeen sanadki 2007.

Afhayeenka milatariga Unada Col. Felix Kulayigye ayaa naqdiyey hanjabaada uga timid Kooxaha Ololeeyayaasha ee ah in ay mudaaharaadi doonaan isaga oo taasi uga jawaabay in Uganda ay danweyn ugu jirto xasilooni ka dhalato Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here