Uganda oo 78% kor u qaaday bajadka ay ugu tala gashay ciidanka ka jooga Soomaaliya

Dowlada Uganda ayaa kor u qaaday bajadka ay ugu tala gashay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee ka qeybgalaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Sida uu maanta daabacay wargeyska The Observer ee kasoo baxa Uganda, dowlada ayaa maalin walba ku qarash gareyn doono ciidankeeda lacag dhan 672m oo shilinka Uganda ah taasi oo aad uga badan lacagti ku bixi jirtay sanadki hore.

Dukumiintiyo uu wargeysku helay ayaa muujinaya in lacagta lagu bixiyo ciidamada Uganda ee gaaraya 6,700 askari ee Soomaalia ka dagalama ay kordhi doonto sanadkaan 78 boqolkiiba, halka awalki hore ay maalinti ku bixi jirtay lacag dhan 376m oo shilinka Uganda ah.

Bajadkaan ayaa waxaa bishi June soo saartay wasaara gaashaandhiga balse dhawaan ayey warbaahinta u suura gashay in ay hesho, iyadoo dhawaana loo gudbiyey baarlamaanka Uganda si loo meel mariyo.

Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya 6,700 askari, waana dalka ugu ciidamada badan marka laga eego dalalka kale ee ay ciidamada ka joogan sida Burundi, Kenya, iyo Jabuuti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here