Uganda oo 3,200 ciidamada UPDF-ta ah usoo direyso Soomaaliya

Doowlada Uganda ayaa ciidamadeeda qaaska ah ee loo yaqaano UPDF-ta oo tiradoodu gaareeyso ,3,237 goor dhow usoo direeysa Soomaaliya, ciidamadan oo mudooyinkii ugu danbeeyay tababar gaar ah ku qaadanayay xerada Singo ayaa waxaa loogu talagalay ineey Al-shabaab kula dagaalamaan magaalooyinka ay hada gacanta kuhayaan Sida Kismaayo iyo Baraawe.

Ciidamadan UPDF-ta ay hadda uganda usoo direeyso Soomaaliya waxay noqonayaan kooxdii tobanaad ee ciidamo kasocda wadanaka uganda ee loo soo diro soomaaliya,sidookale waa cidiamadii ugu horeeyay PDF-ta ah ee loosoo diro soomaaliya tan iyo markii ay (EU) ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanadii 2007.

Ciidamadan lagu wado ineey magaalada Muqdisho goor dhow soo gaaraan ayaa waxaa lagu wadaa ineey badalaan Battle-ka 8-aad kuwaasoo iyagana lagu celin doono wadanka uganda.

Ciidamadan ayaa tababar 4 bilod ah waxa uu ugu soo dhamaaday xerada Singo kuna taalo deegaanka Nakaseke, ciidamadan ayaa waxaa tababar qaas ah siinayay tababarayaal kasocda wadamada faransiiska iyo ingiriiska, waxyaabaha labaray waxaa kamid ah shiishka fog, iyo madaafiicda goobta sidookale waxaa lasiiyay tababar ku aadan is difaacida nafsiga ah.

Ciidamadan ayaa maanta waxay dhoola tus kusoo bandhigeen xerada Singo waxayna soo bandhigeen ineey diyaar uyihiin ineey mar dhow ka howl galaan soomaaliya ayna kula dagaalamaan al-shabaab isla markaasna ay amaan iyo daganaan kusoo celiayaan qeybo badan oo kamdi ah soomalaiya oo ay hada gacanta kuhayaan kooxda ku biirtay Al-qaacida.

Ciidamadan ayaa waxaa lagula dardaarmay gabagabada xaflada ineey ilaaliyaan dhaqanka iyo anshaxa soomaalida iyo ineey adeecaan awaamirta saraakiishooda.

Gen. Levy Karuhanga oo ah taliyaha guud ee ciidamada ciidamada difaaca shacabka Uganda (UPDF) ayaa ciidamada usheegay ineey soomaaliya tagi doonaan kadib markeey dhacdo doorashada guud ee dhowaan lafilayo in loo qabto soomaaliya.

QM ayaa mar sii horeesay waxay ay meel mariyeen qaraar ogolaanaya in lakordhiyo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya, kuwaasoo hada isku diyaarinya wajiga labaad oo ah ineey weerar kuqaadaan magaalooyinka bananka ka ah muqdisho oo ay hada maamulaan Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here