Uganda oo 1,600 oo askari u dirtay Soomaaliya

Uganda oo 1,600 oo askari u dirtay Soomaaliya
Uganda oo 1,600 oo askari u dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay ciidan cusub oo gaaraya 1,600 oo askari in ay dirtay dalka Soomaaliya.

Wargeyska New Vission ee ka soo baxa Kampala ayaa qoray Arbacada maanta ah in ciidamadan ay badalayaan ciidan horraantii toddobaadkan ku laabtay Uganda

Afhayeen u hadlay milateriga Iganda oo lagu magacaabo Paddy Ankunda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan cusub la geenaayo gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Taliye Ankunda ayaa sheegay in ciidanka cusub ay ka qeyb-qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo ammaanka deegaannada laga xorreeyay Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa beddelay ciidamo la celiyay oo Isniintii gaaray dalka Uganda.

Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamo u diray Soomaaliya sanadkii 2007 ayaa waxaa dalka ka jooga ciidan gaaraya 8,000 oo askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here