Uganda iyo Kenya oo ugu horreeya waddamada ugu bunka wanaagsan Africa

Warbixin ay qortay shabakadda All Africa waxa lagu sheegay in dalalka Uganda iyo Kenya ay ugu horreeyan 10-ka dale ee ugu bunka fiican qaaradda Africa.

Dhawaan arrintaas waxaa lagu soo bandhigay magaalada Kampala  ee caasimada Uganda oo lagu qabtay munaasabad lagu shaacinaayo waddamada ugu bunka wanaagsan qaaradda Africa.

Isu duwaha guud ee hey’adda bunka dalka Uganda, Samuel Kamau, wuxuu lee yahay Uganda sharaf wayn ayey u tahay in kaalinta koobaad ay gasho.

Dalka Ethiopia ayaa kaalinta koobaad ku jiray tan iyo sannadkii 1994-tii laakin hadda darajadaas hoos ayuu uga soo dhacay.

David Kiwanuka, waa Afhayeen u hadlay hey’adda UCDA wuxuu lee yahay 140-milyan oo geed in lagu abuuray dalka Uganda 18-kii sanno ee la soo dhaafay, laakin sannadka 2015-ka la doonayo in la gaarsiiyo 200 milyan oo geed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here