Ugaas Xasan & Cali Cabdullaahi Cosoble oo kullan fool ka fool ah yeeshay

Kullan dhex maray Ugaas Xasan iyo CosobleWararka naga soo garaya magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in goor dhow halkaas uu kulan fool ka fool ah ugu soo gaba gaboobay madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulankaan oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen Ugaaska iyo Madaxweynaha, ayaa warar hoose oo soo baxaya waxeey sheegayaan, in loo diiday ineey ka qeyb galaan Siyaasiyiin ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha G. Hiiraan Dabageed, Cabdi Fitaax iyo Xildhibaano.

Kullanka Ugaaska iyo Madaxweyna HirShabelle, oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ay kawada hadleen, ayaa qaatay waqti kooban, waxaana Madaxweyne Cosoble sida warar hoose aan ku heleyno uu ugaaska ka dalbaday inuu taageero maamulka HirShabelle.

Ugaas Xasan, ayaa lagu soo waramayaa inuu aqbalay taageerida maamulka HirShabelle, balse uu ku xiray shuruudo adag oo ay kamid tahay, in isaga loo madax baneeyo soo xulista xubnaha Aqalka Sare uga mid noqonaya Hiiraan islamarkaasina uusan Xasan Shiikh wax fara gelin ah ku samayn karin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here