Ugaarsi sharci darro ah oo ka billowday Jaad [Warbixin]

Kooxaha u doodda xuquuqda xayaawanka ayaa sheegaya in hal habeen oo kaliya lagu dilay 89-maroodi magaallo ku taalla dalka Jaad.

Dhacdadan oo ka dhacday Khamiistii horre magaalada Ganba oo ku taalla koonfurta dalka Jaad, waxaa sameeyay kooxo ugaarsato oo ku hadlay afka Carabiga.

Maroodiyada la gowracay waxaa ku kirra 33-dheddig oo uur leh iyo 15 ilmo yer-yer.

Dowladdaha Cameroon,Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Jaad ayaa toddobaadkan kulan ay arrimahaas uga hadlayaan waxa ay ku lee yihiin caasimada Yaounde, waxa ay ka hadlayaan sidii loo xakameen lahaa ugaarsiga maroodiga oo aad ugu badan dalalkan ku yaalla galbeedka Afrika.

Ciidamo badan ayaa dowladda Jaad u dirtay goobaha lagu dilay maroodiyada.

Shirka ka dhacaya Kamiruun waxa si gaar ah looga hadlayaa in la mamnuuco ugaasiga maroodiga oo aad ugu badan dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dhacdoonyin noocan oo kale laga soo wariyo waddamadan, isla dhacdo noocan oo kale ayaa koox Suudaanees ah oo ah dadka ugaasada waxa ay in ka badan 300 oo maroodi ku dileen waqooyiga kaamiruun bishii February 2012, , waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay la sameyay ciidamo si gaar ah u waardiyeeya madoodiga.

Ugaarsiga sharci darada waa kamamnuuc waddamadan, waxaana loo arkaa dambi qaran, in kastoo fool mardoodiga loo dhoofiyo qaaradda Aasiyah.

Bishan ayaa urur u doodda xayawaanka, wuxuu sheegay in shaaciyay 23-kiis oo ku saabsan ugaasiga sharci darada ee ka dhanka ah maroodiga.

Sarkaal u hadlay hey’adda ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in in dowladdaha gobalka ay ugu baaqayaan siddii loo joojin lahaa ugaasiga sharci darada ee ka taagan qaaradda meelo badan oo ka mid ah.

Halkii KMG ee foolmaroodi, waxaa suuqa madow ee Aasiya lagu iibiyaa 2,000 oo dollar, waxaana inta badan laga sii qaadaa waddankada Ivory Cost, sidoo kale waxaa geeyaa waddamada Thailand iyo Shiinaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here