Ufuroow oo u gacan galay ciidanka dowlada

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa qabsaday degmadi Afraad oo ka tirsan gobolka Bay kadib marki ay gudaha u galeen degmada Ufuroow.

Ciidamadaan oo kasoo ruqaansaday degmada Qansaxdheere ayaa xalay u suura gashay in ay qabsadaan iyaga oo aanan la kulmin wax iska caabin ah.

Dagaalyahanadi Al Shabaab ee maamulay deegaanka ayaa isaga baxay ka hor inta aysan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya soo galin, waxaana saakay ay ku waabariisatay gacanta dowlada.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada isgarabsanaya waxa ay iminka ku wajahanyihiin deegaanada Diinsoor iyo Baardheere.

Baardheere ayaa ah degmada ugu weyn oo ay Al Shabaab ka maamulaan gobolka Gedo, waxaana dhici karta in ay ku dagaalamaan si aysan u lumin.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.