Ufuroow oo gacanta ugashay Ciidamada doowlada

Ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa shalay galab waxay  la wareegeen gacan ku heynta degmada Ufurow oo ka tirsan gobolka Baay halkaasoo ay gacanta ku hayeen ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in uusan dhicin wax dagaal ah gudaha magaalada, waxaana isaga baxay dhamaan ciidamadii ururka Al Shabaab.

Ciidamada doowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa markii ay gudaha ugaleen magaalada waxay fariisimo ka samaysteen agagaaraha degmada.

Xaalada ayaa degan, waxaase jirta xiisad cabsi ah oo ka dhalatay isbedelka ka dhacay magaalada oo ay horey uga talin jireen ururka Al Shabaab maantana isaga baxay.

Magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Diinsoor iyo Buurhakaba ayaa wali ku jirta gacanta Al-shabaab, walow ay dawlada iyo ciidamada ajnabiga ee dalka jooga ay sheegeen inay sii wadayaan dagaalka ay kaga saarayaan goobahaasi Al Shabaab.

Masuuliyiinta gobolka Baay ee dawlada  ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka degmada Ufurow. Sidoo kale ururka Al Shabaab ayaan ka hadlin.

Sidoo kale saraakiisha Al-shabaab wax war ah kama soo saarin qabsashada magaalada Ufuroow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here