UEFA oo ganaax dul dhigay Nani iyo macalinkiisa Ferguson

Xiriirka kubadda cagta Yurub, UEFA ayaa hal ciyaar ka mamnuucay ciyaar yahan
Nani, kaddib markii loo taagay karaka guduudan ciyaartii ay la yeesheen kooxda Real Madrid mar la ciyaareen tartanka kooxaha Yurub ee Champions League.

Sidoo kale xiriirku wuxu ganaaxay macalin kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson oo lagu ganaaxay lacag gaareysa 8,500 pounds maadama uu saxaafadda ka diidday inuu la hadlo markii laga adkaaday kooxdiisa.

Ciyaartaas ayaa ku dhammaatay 2-1 , waxana xidiggan reer Portuguese ee garabka laga ciyaara laga saaray inrii ay ciyaarta socotay, macalinkiisana wuu diidday in la hadlo saxaafadda.

Sidoo kale, UEFA wuxuu taageeray go’aanka uu qaatay garsooraha reer Turkey ee dhexdhexaadinaayay kulankaa Cuneyt Cakir –oo garoonka ka saaray Ferguso.

War-qoraal ah oo ka soo baxay UEFA ayaa lagu yiri: “Manchester United FC ciyaaryahanka qadka dhexe ugu ciyaara Nani waxaa laga mamnuucay hal kulan oo ka tirsan tartanka qaramada yurub, markii gudddiga anshaxa iyo maamulka UEFA uu gaaray, taasoo daba socotay kaarkii guduudka ee loo taagay ciyaartii UEFA Champions League ee wareega 16-ka lugta labaad ee Real Madrid CF oo ka dhacday garoonka Old Trafford 5-tii bishii March.

Sidoo kale waxa ay yiraahdeen “Manchester United tababarahooda Sir Alex Ferguson waxaa loo ganaaxay markii uu la hadli waayay saxaafadda kulankii kaddib.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here