Tuulada Kongo ee Sh Dhexe oo dugsi la dhagax dhigay

10Tuulada Kongo ee ShabelladaDhexe oo dugsilaga furay, dugsi oo maanta ay si wada jira u dhagax dhigeen Kusimaha Gudoomiyaha G/Sh/dhexe ahna G/kuxigeenka dib uheshisiinta & Arimaha Federaalka M/g/dh/dhexe ayaa sidoo kale waxaa Goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka & Dekedaha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Cali (Dhagax-Tuur) Ganacsato ka soo jeeda Gobolka Shabelaha dhexe & xubno kale.

Goobta Dugsiga laga dhisayo ayaa ah Tuulada Kongo oo qiyaastii 5 Kmitir konfur ka xigta Magaalada Jowhar ayaa ah meel muhiim u aheyd madaama aysan haba yaratee Tuuladaasi oo aad u balaaratay aysan laheyn wax Iskuul ah.
Gudoomiyaha Tuulada Kongo & Yabaal 2 ayaa ugu horeyn hadalo uu ka soo jeediyay ugu mahadceliyay Ganacsatada isku taxluujisay sidii jiilkaasi yar ay u heli lahayeen Wax barasho.

Mid ka mid ah Ganacsatada wax ka dhisaya dugsiga oo ka kooban sedex Fasal, sedex musqul & Xafiis macalimiintooda laga sugayo Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe madaama ay iyagu kaalintooda ka soo baxeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka & Dekedaha Mudane Maxamed Cismaan Cali dhagaxtuur ayaa u mahadceliyay Maamulka G/Sh/dhexe oo dhulka ugu deeqay & balanqaadka uu sameeyay inuu ka taaageeri doono Macalimiinta isagoo sidoo kale Bulshada ku dhaqan degaanka ugu mahadnaqay iyagana kaalinta ay ka qaadanayaan dhismaha & hirgelinta dugsiga.

Gebo gebadii ayaa waxaa hadalo kooban oo isugu jira balan qaad & Dhagax dhigba ka soo jeediyay kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha dhexe Mudane Shiikh Abuukar Xasan Cali Maqaneey wuxuuna sheegay in Maamulka Gobolka Shabelaha dhexe kaalintiisa ka soo dhalaali doono, wuxuuna dadka degaanka kula balamay in ay xafitaan Iskuulka Caruurtana looga faa,iideeyo.

Dugsiga laga hirgelinayo degaanka Koongo ayaa ah kii ugu horeeyay ee laga dhiso abid.

1
13977775_10207378432805089_1301609649_o

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here