Turkiga oo xayiray barta bulshada ee Twitter

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan

Khilaaf ayaa ka dhashay go’aanka Ra’iisalwasaaraha Turkigu uu xiyiraad ugu soo rogay barta bulshada ee Twitter.

Madaxweynaha Turkiga ayaa su’aal galiyay xayiraada uu soo rogay Ra’iisalwasaare Recep Dhayib Erdogan.

Cabdallah Gul ayaa twitter-ka soo dhigay in “xayiraad dhameystiran” oo lagu soo rogo baraha bulshadu ku wada xiriirto ay tahay wax aan la aqbali karin.

Waxa uu sheegay in ay tahay oo kaliye in la xayiro bogaga internet-ka ee shaqkhsiyaadka ay maxkamadda ku hesho in ay ku xadgudbeen nolosha gaarka ah ee dad kale. Eedaymo musuqmaasuq

Erdogan ayaa ballanqaaday inuu khadka ka saari doono Twitter-ka kaddib markii loo adeegsaday in lagu faafiyo eedaymo musuqmaasuq iyo codad laga duubay oo ku saabsan wadasheekaysi gaar ah.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala internet ee waddanka Turkiga ayay u suuragashay in ay ka gudbaan xannibaadda habeenkii la soo rogay.

Erdegon ayaa sheegay in aanu dan ka laheyn jawaabaha ay beesha caalamka ka bixin doonto arrintan.

Twitter-ka ayaa si weyn looga adeegsadaa dalka Turkiga.

Xigasho: BBC Somalia

2 COMMENTS

  1. Sawirka noocaan oo kale ah maaheyn inaad u isticmaashaan qoraalka, sida muuqata waa sawir caay ah. madaxda inaad sidaa uGu been abuurtaana una ceebeysaan mahaa Midnimo.com.

    Waxay ahayd inaad sawir wanaagsan isitcmaashaan. mise waxaa qeyb ka tihiin dayacadda laga fidinaayo dalka Turkiga.

    Website-kaan waan kuga aan uGu jeclahay inaan aqristo dhanka wararka. laakin marker qaar waxaad moodaa inaad dhinac u jan jeertaa xagga dacaayadda iyo been abuurka…

  2. Waa talaabo wanaagsan xayirtaanka BArta Twiterka ee Dalka Turkiga. waxaa ka horeeyay Dowlado badan oo ku jira China,Indonesia,Japan,Argantine iyo Weliba Ruushka. Waxaana uGu wacan waa shirkaddaha laga leeyahay Dalka Mareynkan oo iyagu bartilmaameed ka dhigtey xatooyadda Xogta macaamiishooda..Dowladoo badan oo uu ku jiro Dalka Germany ayaa hada qorsheynaya iney joojiyaan isticmaalka aaladaha bulshada ee laga leeyahay dalka MAreynkanka. waayo waxaa dhacdey in Raisul wasaraha Dalka Germany laga dhageystey telefoonkeeeda, kadibna lagu been abuurtay. arintaasi kadib dalka Germany waxay gelisay iney ka fiirsadaan shacabkoodana kaga digaan baraha bulsho oo fadhigoodu yahay dalka mareykanka sida Facebook,Twiter,yahoo,google iyo outlook Microsoft. Hada dalka Germany waxay bilaabeen iney sameeyaan shirkado wadani iyo bar bulsho fadhigooduna yahay dalka germalka si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniintooda, waxayna arintaasi kaga daydeen dalka china.

    Hada dhibka uGu weyn waxa uu heysta waa dowladaha AFrika ( dunidda sedexaad ) oo aan iyagu weli helin ama sameysan Karin shirkado technology dalka laga leeyahay,sameeysanay softwareka iyo baraha lagu kulmo…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here