Turkiga oo Markab Gar-gaar ah usoo diray Soomaaliya

Markabkaan ayaa lagu wadaa inuu mudo 15maalmood ah kusoo gaaro dekeda Muqdisho, dajinta alaabta saarana waxay qaadan doontaa 15maalmood oo kale.

Hay’ada Bisha Cas, ee doowlada Turkiga, ayaa Markab sida raashin iyo qalab dhismo usoo diray dekeda magaalada Muqdisho, kaasoo Arbacadii lasoo dhaafay kasoo shiraacday dalka Turkiga, arintaan ayaana qayb ka ah, dadaalada doowlada Turkiga ay ugu jirto dib udhiska wadamada Afrika iyo la dagaalanka qaajada.

Alaabta uu wado Markabkaan ayaa lagu sheegay ineey kamid yihiin, qalabka dhismaha, dhagxaanta lagu dhiso wadooyinka “Laamiyada”, raashin gar-gaar, Sokor, qamadi, iyo alaabo kaloo farabadan.

“…Waxaan dooneeynaa in Soomaaliya ay noqoto meel ku wanaagsan nolosha, sidaas darteedna waxaan usoo dirnay markab sida 11 tan, oo isugu jira qalab dhismo, raashin, iyo waxyaabo kale…” sidaa waxaa yiri Utku Calim, oo ah madaxa hay’ada Bisha Cas ee dalka Turkiga.

Utku Calim, ayaa sidoo kale sheegay in Markabkaan uu dekeda Muqdisho ku gaari doono mudo 15maalmood ah, alaabta saaran dajinteedana ay qaadan doonto 15 maalmood, sidoo kale waxa uu shegay in ;gargaarka uu wado Markabkaan la gaarsiin doono qoysaska Soomaaliyeed, kuwaasoo gaari doono 2,700 oo qoys.

Gargaarkan uu wado Markabkan ayaa alaabta uu wado lagu sheegay in ay kala tahay sidan:

1-Qalabka dhismaha oo isugu jira mid culus iyo mid fudu.

2-Raashinka diyaarsan ee sijilka ah.

3-5 tan oo Sokor ah, iyo 5 tan oo bur ah.

4-Sidoo kale waxaa kujira qalabka lagu dhajiyo guryaha sida Mukeefyada, iyo qumaamadaha loogu tala galay in lagu shubo qashinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

  1. turkidu waa tuugo soomaliyey ogaada wadankeeni dhan wey rartey ha arkina intan yar oo been beenta ay kenayan.ganacsadadi xitaa somalida waala cuna qabateyey si ay san soamalidu lacag u yeelan cadawgeena number one waa turki

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here