Turkiga oo Mac-had Caafimaad ka furay Muqdisho

2016117636140813131136785turky-schoolMachadkaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Erdogan School of Health Services oo macnahiisu yahay Dugsiga Erdogan ee Adeegyada Caafimaadka. Machadkaa ayaa waxaa laga furay Muqdisho ayadoo loogu magac daray madaxweynaha Turkiga.

Waa machadkii caafimaad ee abid Wasaarada Caafimaadka ee Turkigu ka hirgaliso dibada Turkiga.

Waxaa xafladii furitaanka ka soo qeyb galay safiirka Turkiga Soomaaliya u fadhiya Olgan Bekar iyo madax kasocotay Wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Soomaaliya Abduraxmaan Muxamed Xuseen ayaa sheegay in machadkaas lagu tababari doono shaqaalaha caafimaadka ee Soomaaliya.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in machadkaa iyo mashaariicda kale ee dawlada Turkigu ka wado Soomaaliya ay yihiin natiijadii ka dhalatay booqashadii markii ugu horeysay Erdogan uu kuyimid Soomaaliya bishii Agoosto ee sanadkii 2011.

Machadka ayaa waxyaabaha lagu baran doono waxaa kujira kaalkaalisonimada iyo weliba umulisonimada iyo culuumta sayniska caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here