Turkiga oo ku qasbay diyaarad ay leedahay Syria in ay caga dhigato Ankara

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa ku qasbay diyaarad rakaab oo ay leedahay Dowlada Syria in ay caga dhigato madaarka magaalada Ankara.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaan looga shakiyey in ay waday walxa qarxa, hase yeeshee saacado kadib ayey ka duushay caasimada Turkiga marki ay qubarada milatariga indha indheeyeen.

Diyaaradani oo nooceedu ahaa Airbus A320  waxay ka timid magaalada Moscow iyada oo kusii jeeday Damascus waxaana saarnaa 35 ruux taasi oo aad uga yar tirada caadiga ah ee ay qaado oo ah 180.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga ayaa sheegay in dowladiisu ay go,aan ku gaartay in ay joojiso diyaarad kasta oo hawadeeda marsiineyso hub una socota dalka Syria.

Colaada u dhaxeysa Turkiga iyo Syria ayaa sii xoogeysatay marki dad rayid ah oo u dhashay Turkiga ku dhinteen gantaal laga soo tuuray xadka Syria asbuuci hore, turkiga ayaa iuaguna ku jawaabay gantaalo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here