Turkiga oo ka warbixiyay shaqaale shalay uga dhintay Muqdisho

Masuuliyiinta hay’ada bisha Cas ee wadanka Turkiga, oo wareysi siinayay kanaal ku yaala wadanka Turkiga, laguna magacaabo NTV, ayaa sheegay in qaar kamid ah shaqaalahooda, oo mashruucyo kala duwan kawada wadanka Soomaaliya waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxyo shalay ka dhacay magalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan wareeysiga siiyay TV-ga NTV ayaa sheegay in mid kamid ah wadayaasha gawaarida shaqaalaha Turkishka uu ku geeriyooday qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Masuuliyiintaan ayaa sidookale muujiyay in ay ka xunyihiin weerarkaas, waxayna sheegeen sidoo kale in tiro kamid ah shaqaalahooda waxyeelo fudu ay kasoo gaartay weerarkaas.

Saameyn ayay ku yeelatay shaqaalaha sida mashaariicda kala duwan u jooga wadanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda wadanka Turkiga, qaraxyo maalintii shalay gil gilay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here