Turkiga oo ka hor tagay weerar argagixiso oo lala damacsanaa…

Turkiga oo ka hor tegay weerar argagixiso
Turkiga oo ka hor tegay weerar argagixiso

Ciidamada amaanka Turkiga ayaa qabtey laba ruux oo ku eedaysan in ay fulin lahaayeen weeraro ismiidaamin ah Magaalada Ankara, xilliga lagu jiro dabaadegga sanadka cusub 2016.

Labada nin ayaa la qabtey shalay oo Arbaca ah, hawlgal Boolisku ku qaadey guri gabbaad u ahaa kooxda ISIL xaafadda Mamak ee Ankara, ayaa lagu soo qabtey iyaga iyo bomkii ay qorsheeyeen in ay dadka ku laayaan.

Booliska ayaa sidoo kale qabtey dhamaan alaabtii bomka loo isticmaali lahaa ee suumanka iyo jaakado laga buuxiyey waxyaabaha qarxa. Sidoo kale Boolisku waxay gacanta ku dhigeen aalaadaha laga sameeyo bomka, sida laga soo xiganayo xafiiska xeerilaalinta Ankara.

Bishii Oktoober, laba qof ayaa isku qarxiyey banaanka Ankara xarun Tareenada laga raaco, waxaana lala eegtey dad ku jirey banaanbax nabadeed. Weerarkaas ayaa ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca Turkiga waxaana ku nafwaayey dad ka badan 100 qof, waxaa weerarkaas fuliyey canaasiir ka tirsan ISIL.

Labada qof ee Boolisku qabteen ayaa la sheegay in ay u dhasheen dalka Turkiga waxaana magacyadooda loo soo gaabiyey MC iyo AY, waxaana hadda su’aalo weydiinayo Booliska la dagalaanka argagixisada. Sida laga soo xiganayo Warbaahinta Dowladda Anadolu, oo xiganaysa ilo kudhaw Booliska waxay weerar ku qaadi lahaayeen, laba goobeed oo ku yaala bartamaha Ankara, laakiin fursadda inteysan helin ayaa gacanta lagu dhigey. Labada nin ayaa ahaa kuwo horey isha loogu hayey oo booqdey dalka Siiriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here