Turkiga oo joojiyay dhaqaalaha uu siinayay Somalia

Turkiga oo joojiyay dhaqaalaha uu siinayay Somalia
Turkiga oo joojiyay dhaqaalaha uu siinayay Somalia

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in ay joojisay lacagaha sidda tooska ay ugu caawin jirtay Soomaaliya, oo in ka badan 20 sanno dagaallo ku jirtay, sidda lagu sheegay war ay
qortay wakaalada Wararka Reuters Khamiistii.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in taageerada tooska ah la joojiyay dabayaaqadii 2013, iyadoo aysan jirin warar xaqiijin kara sababta keentay in la joojiyo taageeradii lacageed ee Turkiga siin jiray dowladda Soomaaliya,

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Reuters u sheegay in ay ka war hayeen in la joojiyay taageerada dhaqaale, balse ay ku rajo weyn yihiin in si degdeg ah ay dowladda Turkiga u billaabi doonto taageeradaas.

Turkiga ayaa la sheegay in sannadkii horre uu siiyay Soomaaliya 110milyan oo dollarka Maraykanka, sidoo kale guddoomiyihii horre ee Baanka dhexe ee Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in bishii qasnada dowladda ay ku soo dhici jirtay 4.5-milyan oo dollar.

Dowladda Soomaaliya ayaa lumisay niyad-samadii ay u hayeen dowladaha reer galbeedka kaddib markii ay soo shaac baxday fadeexaddii sababtay is-casilaaddii guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe Yusra Abrar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here