Turkiga oo jawaab ka bixiyey duqeynti shalay kaga timid Syria

Milatariga Turkiga ayaa madaafiicda artilariga uga jawaabay hoobiyeyaal shalay uga yimid dhinaca Syria oo sababay dhimashada shan ruux.

Haweeneey iyo sadex caruur ah ayaa ka mid ahaa dadki ku dhintay marki ay hoobiyaal laga soo tuuray magaalada Akcakale ee ku taala xuduuda Syria sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Jawaabta Ankara ayaa noqotay tii ugu horeysay ee ay bixiso tan iyo marki ay bilowday qalalaasaha ka taagan Syria mudada 18-ka bil taasi oo saameysay malaayiinta Syriyan ah iyo waliba dalalka dariska la ah.

Turkiga sidoo kale waxay weydiisatay Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay in ay qaado talaabo lagama maarmaan ah si loo joojiyo qatarta uga imaaneyso Syria.

Codsigaasi waxaa jeediyey Ergayga Turkiga u jooga Qaramada Midoobay Ertugrul Apakan, isaga oo warqad u diray madaxa xiligaan ee 15-ka xubin ee joogtada ah ee Qaramada Midoobay ambassador Gert Rosenthal.

Sidoo kale, wakiilada Nato ayaa qabtay kulan dag dag ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Brussels marki uu Turkiga ka codsaday arrintaasi si ay go,aan uga qaataan Syria.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here