Turkiga oo iskuulo lagu barto xirfadaha ka dhisaya Muqdisho

Waa dhismo Iskuul oo hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ka dhisayso Muqdisho
Waa dhismo Iskuul oo hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ka dhisayso Muqdisho

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa maanta oo Axad sheegtay inay magaalada Muqdisho ka dhisi doonto iskuul xirfado kala duwan lagu barto.

Hey’adda ayaa ka dhawaajisay howshan in ay ka tahay wax ay ugu yeertay Howlaha Gargaarka Bini’aadannimo ee Turkiga uu ka wado Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency (AA), guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Ahmed Lutfi Akar ayaa hoosta ka xarriiqay in Samafalka Turkiga uu horumarin doono dhaqanka Turkiga ee Soomaaliya iyo caawinta dadka barakacay.

“Marka la dhammeystiro dhismaha kulleejada, in ka badan 300 oo arday ayaa lagu bari doonaa xirfado ay ka mid yihiin mashiinka iyo matoorrada, kumbuyuutarrada iyo korontada,” ayuu yiri Akar.

Sida lagu sheegay warbixinta wakaalada Turkiga, lama sheegin xilliga hay’adda ay  billaabi doonto dhismaha iskuulkan lagu baranaayo xirfadaha ee laga dhisaayo caasimada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Turkiga dhismooyin badan ayuu ka dhisay magaalada Muqdisho, waxaa ka mid ah Iskuuulo, Isbitaalo iyo masaajid, waxaana ay magaalada ka wadaan mashruucyo waaweyn oo lagu taakuleenaayo dadka rayidka gaar ahaan kuwa soo barakacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here