Turkiga oo faahfaahin ka bixiyay Saldhiga Milatari ee uu Muqdisho ka furanayo

turkey-army-baseFaahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa Saldhiggii Milliteri ee ugu horreeyey ee ay Turkiga ka hirgeliyaan magaalladda Muqdisho, iyadoo Saldhigaasi lagu tababari doono Boqolaal ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia.

Mashruuca Dhismahaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 400 Hectares, oo laga dhisay 3 Dugsiyadda Milliteriga, Maktabado wax lagu barto iyo Bakhaaro.

Dhismaha Saldhigaasi ayaa la bilaabay bishii March ee sannadkan, waxaana loo isticmaali doonaa in lagu tababaro Ciiddanka Somalia iyo kuwa dalalka kale ee Afrikaanka.

Agaasimaha Shirkadda Dhismaha Guud ee Istanbul Mogadishu General Construction Company, Abubakar Sahin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency (AA) in Saldhigaasi lagu kharaj gareeyey lacag dhan 50 million oo Dollar, lana furi doono bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Saldhigaasi awoodi karo in hal mar lagu tababaro 500 oo Askari.

Mar wax laga weydiiyey halka laga hirgeliyey Mashruuca Saldhigaasi waxa uu tilmaamay inuu ku dhow yahay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, islaa markaana uu 3 KM u jiro Isbitaalka Erdogan (Ex-Isbitaalkii Digfeer) ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Xiriirka Diplomaasiyadeed, Milliteri iyo Iskaashiga ee u dhexeeya Somalia iyo Turkiga ayaa aad u sii kobcay, kadib, markii uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan booqashadda ku yimid Somalia.

Bishii June 3-dii ee sannadkan, waxa uu Madaxweyne Erdogan booqashadiisa ugu dambeysay ku yimid Somalia.

Waxa uu magaalladda Muqdisho ka furay Safaaradda Turkiga ee ugu ballaaran oo ku taalla Qaaradda Afrika.

Source: Anadolu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here