Turkiga oo Dhaqaatiir Soomaaliyeed Tababar u Soo Xirey

Dowladda Turkiga ayaa Dhaqaatiir Soomaaliyeed Waxaa ay taba bar ugu soo xireen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, halkaas oo ay goobjoog ka aheyd Wasiiradda Wasaarada Arimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Drsa Maryam Qaasim.

Drsa Maryam Qaasim, oo qudbad ka jeedisey Xafladda Xiritaanka Tababarka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxa ay mahad u jeedisey shicibka iyo Dowladda Turkiga, iyadoo xustey in Kaalinta Turkigu ay tahay mid aan lamiisaami karin.

Dhaqaatiirta Tababarka loosoo xirey ayaa waxa ay barteen Badbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka iyagoo tira ahaan gaaraya illaa iyo 17 Dhaqatar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here