Turkiga oo daah furay Mashruuc soo socday 150 Sano

B991DED9-0035-4CD6-B112-7CE5D36A1927_w640_r1_s_cx0_cy11_cw0ISTANBUL, TURKEY —Doowlada aynu walaalaha Nahay ee Turkiga, ayaa shalay markii ugu horeysay daaha ka qaaday Mashruuc Khad Tareen ah, kaasoo isku xiri doona Asia & Yurub, Cabsiyo iyo dhaleeceeyno faravbadan kadib shalay ayaa xariga laga jaray Mashruucaan oo kamid ah Mashruucii ebid ugu weynaa dalkaas.

Xaflada Furitaanka Khadkaan Tareen oo ku began maanta oo Talaado ah, ayaa waxaa kasoo qayb gali doona kumanaan dadweynaha reer Turky, iyadoo R/wasaare Recep Tayyip Erdogan, uu isugu yeeray Taariikhyahanadi hore ee dalkaas.

Mashruucaan, ayaa waxa uu ahaa Riyadii {Sultan Abdulmescid} kaasoo kamid ahaa Salaadiintii doowladii Cusmaaniyiinta, waxaana uu noolaa intii u dhaxeysay 1839 – 1861.

“Maanta waxaan goob jog u nahay Mashruuc lagu riyooday 150 sano kahor, waxaana noo dhiman Mashaariic kaloo farabadan oo Taariikhi, oo an dib ugu dhiseyno Stanbul” sidaa waxaa yiri Recep Tayyip Erdogan.

Professor Celal Sengor, oo ah Macalin Cilmiga geology ka dhiga Jaamacada Stanbul, ayaa sheegay in Dhismaha khadkaan Tareen aad looga shaqeeyay islamarkaasna uu yahay mid 100% laysku haleyn karo.

Khadkaan Tareen, ayaa waxaa xitaa laga baaraan dagay in Hadii uu Dhul-gariir daco aysan ku imaan wax dhibaato ah.

R/wasaare Erdogan, ayaa intii uu talada dalka hayay ku talaabsaday Mashaariic farabadan, waxaana uu dib u dhis xoogan ku sameeyay magaalada Stanbul, oo ah magaalo Ganacsi oo aad u hormarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here