Turkiga oo beeniyay ineey aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland

Danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho Amb. Olgan Bekar
Danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho Amb. Olgan Bekar

Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa beeniyay in Turkiga uu aqoonsaday Baasaboorka maamulka Somaliland.

“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xiriir ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, anaga Soomaaliya hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaa ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Soomaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan”ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.

DSC_0870

Sidoo kale waxaa uu xusay in Baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin sida kaararka aqoonsiga oo kale ee ID CARD, isagoo xusay in qunsuliyadooda Hargeysa ay ku bixiso Viisaha Warqad sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Ardayda Soomaaliyeed ku heysato dalka Turkiga, markii uu afgambiga dhacay, gaar ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee dhiganeysay Jaamacadaha ay maamulayeen Hey’addaha taageera Fethullah Gulen ayuu kaga jawaabay in ardaydaas aysan wax dhib ah arki doonin, isla markaana loo gudbinayo jaamacado kale oo dowladda hoos-taga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here