Turkiga oo balan qaaday inuu taageero siin doono baarlamanka Soomaaliya

Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in ay dib u dhis ku samayn doonto xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho oo ay haatan ku shiraan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada ee wadanka Turkiga oo maanta yimid magaalada Muqdisho isla markaana ka hadlay kulan maanta ay mudamnaasha baarlamaanka Soomaaliya ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib u dhis dowladiisa ay ku samayn doonto xarunta baarlamaanka.

Ahmet Davutoglu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka  Turkiga ayaa sidoo kale wuxuu uga hadlay doorka dib u dhiska dalka waxaana uu u tilmaamay in mashaariicda dib u dhis ee ay Turkigu ka sameynayaan Muqdisho ay ugu horeyso xarunta golaha shacabka.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan qubaro ka socota Turkiga oo horay u timid Muqdisho oo qiimayn ku sameeyay dib u dhiska magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ahmet Davutoglu ayaa dhanka kale tilmaamay in Dowladda Turkigu aysan ka daaleyn taageerada shacabka iyo Dowladda walaalahooda ah ee Soomaaliya ilaa inta ay Dowladda Soomaaliyeed cagaheeda isugu taageyso waxaana uu u soo gudbiyey xildhibaannada Baarlamaanka,madaxda sare ee dalka iyo shacbiga Soomaaliyeed salaan uu ka siday madaxda sare ee dalka Turkiga sida Madaxweyne Cabdala Guul iyo Raysal wasaare Recep Tayib Erdogan.

Dowlada Turkiga ayaa horay waxay dadaalo badan oo taageero ay ugu bixisay shacabka Soomaaliyeed waxaana jira arday badan oo haatan wax ka barta wadanka Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here