Turkiga oo awoodiisa ku ballaarinaya Afrika {Warbixin}

Warbixin uu qoray wargeyska Daily Telegraph, ee kasoo baxa dalka Britain ayaa lagu sheegay in Turkiga hada uu xooga saarayo sidii uu awoodiisa ganacsi ugu ballaarin lahaa wadamada Afrika.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in hamiga Turkiga uu yahay mid aad uga fog ugana hormarsan kan yurub eek u aadan qabsashada suuqyada Afrika oo hada noqday meelo ay doowladaha waaween usoo tartamaan.

Turkiga oo hada awood ganacsi ku leh wadamo badan oo kamid ah bariga dhexe, ayaa hada doowladaha, China, Brazil iyo Hindiya kula tartamaya suuqyada Afrika.

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa doowlada Turkiga waxay 19 Safaarad ka furteen wadamo ku yaalo Saxaraha Afrika, waxaana meelaha ugu weyn ee uu hada Turkiga dhaqdhaqaaqa kawado kamid ah wadanka Soomaaliya.

Rag katirsan Ganacsatada Turkiga ayaa hada bilaabay ineey tagaan wadamada Chad iyo Gini, oo ay horay taariikhda inta laxasuusto u booqan ganacsatada ama masuuliyiinta Turkiga.

Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee uu hada Turkiga kawadao wadamada Afrika ayaa waxaa ka dhashay in dhaqaalaha Turkiga wadamada Afrika uu kor ukaco 7.5 Milyaar oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here