Turkey: Seddex wasiir oo is casilay

Wasiiro is casilay
Wasiiro is casilay

Dalka Turkiga waxaa ka taagan siyaasad jahwareer ah, markii seddax wasiir oo ka tirsan xukuumadda ra’iisal wasaare Recep Tayyip Erdogan ay iscasileen.

Wasiirada arrimaha gudaha,dhaqaalaha iyo deeganka, ayaa waxay maanta oo Arbaca ah shaaciyay in ay is-casileen, kaddib masuq maasuq xoogan oo lagu eedeeyay wiilasha ay dhaleen.

Wasiirka deeganka Erdogan Bayraktar, oo ugu dambeeyay ayaa ra’iisal wasaare ka codsaday ra’iisal wasaare Recep Tayyip Erdogan in uu is-casilo.

Wasiiradan ayaa warqadaha is casilada u gudbiyay ra’iisal wasaare Erdogan.

Arrinta ku aadan masuq maasuqa ay geysteen wiilashada ay dhaleen Wasiirada oo kaliya ku eka, ee waxaa jiraa ilaa 22 xubnood oo kaliya, oo marka wiilashadoodu lagu daro tiradooda ka dhigeysa 24 xubnood, oo loo heystaa in ay masuq maasuqa wada geysteen.

Madaxa Baanka Turkiga, ayaa waxaa sidoo lala xiriirinayaa lunsashada hanti Qaran, oo loogu tala galay in lagu horumariyo miyiga fog ee dalka Turkiga.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu balanqaaday in Xukuumadiisu ay baaritaano adag ku samayn doonto, hantida la sheegay in la lunsaday.

1 COMMENT

  1. illlaaheyoow turrkiyo ka ilaali shar iyo shaydaan urdugaana sharafkiisa kor u qaad soomaaliyeey aan u duceeyno walaalaheena turkiyo in ilaahay ka ilaaliyo qalalaso iyo dagaal ilaahayoow ka xifdi shacabka turkiya wax kastoo horu markooda wiiqaaya aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here