Tunisia oo soo bandhigtay lacag uu xaday madaxweynihii hore Ben Ali

Zine el abidine iyo xaaskiisa Leyla
Tunisia ayaaa heshay $29m oo u dhigan (£19m), waxaana ay sheegtay lacagtan in uu xaday madaxweynihi hore ee dalkaas Zine el Abidine Ben Ali.

Lacagtan ayaa la sheegay in ay soo bandhigeen koox ka tirsan Qaramada Midoobay, sida ay ku soo warantay wakaalada wararka Tunisia.

Mr Ben Ali ayaa ka cararay dalka Tunisia bishii January 2011 kaddib markii kacdoono iyo dibad bax lagu qaaday dowladiisa oo 23-sanno xukunka heysay dalka ku yaalla waqooyiga Africa.

Waxaana kacdoonkaas loo bixiyay.Gu’ga Carabta.

Lacagta 29-ka Milyan ee dollar, waxaa soo bandhigay Madaxweyne Moncef Marzouki oo ka socda QM Ali bin Fetais al-Marri, sida ay ku warantay wakaalada wararka Tunisia ee TAP.

Mr al-Marri ayaa madax looga dhigay kooxd Qaramada Midoobau ay u xil saartay inay soo bandhigaan lacag la sheegay in ay ku maqan tahay hoggaamiyihii xilka laga tuuray.

Lacagta ayaa la sheegay in ay tallaay Bangi ku yaalla dalka Lubanaan, waxaana ku qornaa in ay lee dahay Layla Trabelsi oo ah Xaaska Mr Ben Ali. Waxaa la aamisan yahay inay u carartay waddankada Saudi Arabia iyada iyo Mr Ben Ali kaddib markii lagala hortagay kacdoon dhiig badan ku daaday.

Dad badan oo rogroga siyaasadda dalkan iyo kuwa kuwa kale oo si dhow ula socda, waxa ay aamisan yahay in ay adkaan doonto dowladda hadda talada heysa oo ah Islaami ah in ay soo hesho meelaha ay yaalaan lacagtii dalka uu lahaa inta hadda hartay.

Dowladda Tunis waxa ay dhawaan codsatay $1.78bn oo ah ammaah ay ka qaadato hey’adda lacagta adduunka ee IMF loan, taasoo toddobaadkan la billaabi doono

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here