Trump oo u muuqda mid kasoo dabcay mowqifkii u ka taagnaa Muslimiinta

150629062326-donald-trump-june-16-2015-super-169Donald Trump oo ah ninka ugu cad-cad musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa u muuqda in uu dabciyay moqfikii uu ka taagnaa Muslimiinta booqanaya mareykanka.

Trump ayaa horey u jeediyay hadal muran dhaliyay, kaasi oo ahaa in muslimiinta laga joojiyo in ay galaan Mareykanka.

Arrintaasi ayuu mucaaradad badan oo dalka iyo dibaduba ah kala kulmay, haseyeeshee waxa uu hadda u muuqdaa in uu arrinkaasi ka laabtay.

Trump oo wareysi siinayay telefishinka Fox News ayaa sheegay in arrintaasi ay ahayd oo kaliya soo jeedin.

Waxa uu ka jawaabayay hadal uu jeediyay duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan oo walaac ka muujiyay moqfiqka Trump.

Khan waxa uu sheegay in uusan tagayn Mareykanka oo uu xukumo Trump, sababo la xiriira caqiidadiisa, waxa uuna ku gacan seyray hadal ka soo yeeray Trump oo ahaa in isaga uusan ku jirin Muslimiinta Mareykanka laga celinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here