Trabzonspor AŞ 0 Juventus 2

Juventus guul gaartay
Juventus guul gaartay

Juventus ayaa guul gaartay kaddib markii 2 iyo 0 ay ku garaacday kooxda ka dhisan dalka Turkiga ee Trabzonspor.

Labada gool oo yimid qaybtii horre ee cayaarta waxaa kala dhaliyay Arturo Vidal iyo Pablo Daniel Osvaldo, waxaana taas ay ka dhigeysaa Bianconeri in ay isku geyn labada kulan ay ku raacday kooxda Turkiga 4 iyo 0.

Tababbarre Antonio Conte ayaa soo dhaweeyay guusha kooxda ka gaartay cayaaraha Europa League.

Wuxuu sheegay in kooxda Juventus ay xilli cayaareedkana dooneyso in ay ku guuleesato horiyaalka Serie A iyo Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here