Toure : Manchester City kama rajo dhigin horiyaalka Ingiriiska

Yaya Toure ayaa  sheegay Manchester City in aysan weli ka rajo dhigin ku guuleesiga horiyaalka Ingiriiska.

29-jirkan ayaa sheegay in kaalinta koobaad ee horiyaalka Ingiriiska ka rajo dhiggin, iyadoo kooxda Man Chester Un 12-dhibcood ku hoggaminayo hadda.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester City, Yaya Toure ayaa sheegay in kooxdiisa gacanta ka taagi doonin  horiyaalka Premier League , kaddib markii hal iyo ebar kaga adkaadeen Aston Villa.

Labada koox ayaa waxa u dhexeeya farqi 12-dhibcood, waxaana hoggaanka heysa Manchester United

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa weerrar yahanka reer Argentine Carlos Tevez  wuxuu helay goolka  taasoo ka dhigay in City hoggaanka durba qabato, markii dambana sidaas ayey ciyaarta ku dhammaatay.

“Waan ognahay in dhib badan na sugaayo, laakin muhiimadu waxa ay tahay siddii aan uu soo qaban lahayn [Manchester United],” ayuu u sheegay Sky Sports.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here