Totti : waxaan rabaa in 300 oo Gool aan ka dhaliyo Serie A

Xidigga kooxda Roma , Francesco Totti ayaa sheegay in ku taamayo in uu dhaliyo 300 oo gool horiyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Waa ciyaaryahanka ugu gool dhalinta dhammaan horiyaalka.

36-jirkan ayaa u ciyaarayay kooxda Roma 20-sanno ka hor,wuxuu dhaliyay 227-gool horiyaalka Talyaaniga.

“Haddii aan booskeyga ka ciyaaro waxaann qirayaa in aan awood u lee yahay in aan dhaliyo (300 oo gool),” ayuu u sheegay wargayska La Gazzetta dello Sport.

Kooxaha Roma iyo Inter Milan ayaa ku ballan san Arbacada soo socota Coppa Italia semi-final, Totti halkaas fursad ayaa uu taalla. Si ay u gaaraan ciyaarta kama dambeesta oo la ciyaarayaan kooxda Lazio.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here