Totti oo shalay macsalaameeyay Roma si weyna loo sagootiyay+Sawiro

Aabihii Kubadda cagta TOTTI ayaa si aan horay loo arag oo dareen badani ku dheehan yahay loogu sagootiyay garoonka Stadio Olympico ee magaalada Roma, isagoo soo afjaray 25 sano oo uu gashanaa funaanadda jaallaha iyo guduudka ka kooban ee kooxdaasi.

Totti ayaa taageerayaasha u laaday kubad uu saxiixay oo uu ku qoray laba eray oo Talyaani ah oo u qornaa ”Mi mancherei” ama waan idin tebi doonaa, iyadoo la arkayay taageerayaasha Roma iyo xitaa laacibiinta oo wada ilmaynaya.

Totti ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda AS Roma 28-kii Maarso 1993 iyadoo uu fursaddaa abaal uga hayo macallinkii Roma ee xilligaasi ee Vujadin Boškov.

Francesco Totti ayaa la filayaa in uu ku biiro koox ka dhisan horyaalka dalka America waxana uu markii ugu horaysay xiran doonaa maaliyad aan ahayn mida kooxdiisa Roma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here