Totti oo ka tagayo Roma

Halyeeyga kooxda AS Roma Francesco Totti ayaa ka shan qariyey in ay suura gal tahay inuu isaga tago naadiga.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ay dad badan ku fakarayaan in isaga ay heystaan kuwaasi oo uu sheegay inuu xalin doono kana taqa lusi doono.

Kabtanka naadiga ayaa ka careysan kursiga keydka oo aad loogu cabay xilli ciyaareedkaa, waxaana uu aad uga wal walsanyahay arintaasi xilli lagu naaneeso Totti hogaamiyaha kooxda.

Wareysi uu siiyey TV-ga Sky Sport Italia ayuu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka tago naadiga waa hadii arimuhu ay sidaan kusii socdaan.

“Haa, waxaan ku fikirayaa in aan ka dhaqaajiyo Roma, hadii arimaha ay sidaan ku sii socdaan anigana waxaan sii wadi doonaa in aan sheego in anna aan bixi doono,” ayuu yiri Totti.

Totti ayaa ku qarash gareeyey noloshiisa dhan kooxda Roma tan iyo marki uu soo bilaabay xirfada kubada cakta, laakin bilooyinki ugu danbeeyey waxaa jiray qorshe uu keydka u fariisiyey macalinka kooxda Luis Enrique.

Waxaa sidoo kale Totti lagu cambaareeyey rigooradi uu ka cunay naadiga Isniinti lasoo dhaafay kulani ay la ciyaareen Juventus ee ku dhamaaday bar barada 1-1.

Totti ayaa calaamad u ah kooxda Roma, sida uu calaamad ugu ahaa AC Milan Paulo Maldini.