“Totti dartiis ayaan mar Roma ugu biiri gaaray”-David Beckham

Ka fariisashadii uu Kubadda cagta ka fariistay Totti waxaa ka hadlay halyeeyga reer England David Beckham oo yiri isagoo dhoolla caddaynaya. “Waxaa jirtey fursad aan ku iman karey kooxda Roma xilligii aan ka ciyaarayay Maraykanka, ujeedka iigu waynna wuxuu ahaa inaan ka garab ciyaaro Francesco Totti”.

Becks ayaa sheegay inuu Totti yahay laacib mug leh xitaa marka aad kasoo horjeeddo, iyadoo uu Beckham usoo dheeley qaar ka mid ah kooxaha ugu waawayn sida Manchester United, Real Madrid, PSG iyo AC Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here