Tottenham oo weli baadi goobaysa Damiao

Xiddigga reer Brazil ayaa in mudda ah waxa ku raad joogtay kooxda Spurs, laakin hadda baahi wayn ayey u qabtaa waayo waxa ka tagay Emmanuel Adebayor oo ka qaybgalaya tartanka Qaramada Africa.

Laakin macalinka kooxda Tottenham Villas-Boas ayaa sheegay in xiddigga kaliye ee hadda ay kooxda heesato uu yahay Jermain Defoe, maadama Sabtida soo socota ay ku isku dhaggan yihiin horiyaalka Premier League kooxda QPR.

Weerrar yahanka koobaad ee kooxda waxa uu ahaa Emmanuel Adebayor oo u safray waddanka South Africa , halkaas oo kula biirayo waddankiisa Togo, halkaas oo ay ka dhacayaan tartanka Qaramada Africa., kaasoo soo dhammaan doona bisha Feb. 10.

Damiao ayaa isna la sheegay in uu ka dhaqaajin doona White Hart Lane, laakin maamulaha kooxda Tottenham waa uu diiddan yahay in 23-jirkan uu boorsooyinkiisa ka qaato kooxda.

Villas-Boas ayaa yiri “ Ciyaaryahanka melna ugama socda bishan January kooxda Tottenham.”

Damiao ayaa isna dareenkiisa siiyay xulka qaranka waddankiisa Brazil , maxaa yeelay weli ma cadda halka uu mustaqbalkiisa yaalla.

“Wakiilkayga ayaa sheegay in aysan jirin wax yabooh ah oo la soo bandhigay illaa hadda marka waan iska joogi doonaa,” ayuu u sheegay Damiao Zero Hora.

Naadiga Tottenham ayaa hadda baadi goob xooggan ugu jirta ciyaaryahan sii buuxiyay inta maqan yahay Adebayor.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here