Tottenham oo wadahadal lafureysa naadiga Real Madrid si ay uga iibiso Luca Modric

Kahor sanad oo ay Tottenham shaacisay inuusan beec aheyn modric iyadoo Chelsea ay usoo bandhigtay 30 milyan oo Euro si ay ugu wareejiso modric laakiin spurs-ka way ka dhagao adeegeen dalabyada xoogan ee kaga imaanayay naadiyada Manchester united iyo Chelsea.

Tottenham ayaa hada diyaar u ah ineey iska iibiso xidiga modric oo kamid ah xidigyada ay ku duusho.

Madaxweynaha kooxda tottenham ayaa shalay uduulay magaalada Madrid si uu wadahadal ula furi lahaa madaxda kooxda real Madrid oo aad u daneynaya xidigaan, Spurs-ka ayaa Real kadalbaday ineey siiyaan 25 milyan iyo labada ciyaaryahan ee kala ah Sahin iyo Carvalho hadii ay doonayaan Luca Modric

Modric ayaa naadiga Tottenham kula jira heshiis gaaraya ilaa 2016 laakiin bishii lasoo dhaafay waxa uu Go’aansaday inuu isaga tago naadiga kadib markeey ku fashilantay ineey 4 kaalin ee ugu horeeysa horyaalka ingiriiska soo tiigsato

Dhanka kale waxaa jiro warar sheegaya in Kaka uu isaga tagayo naadiga Real Madrid sidaa darted masuuliyiinta Real waxay badal wanaagsan u arkaan Modric si uu u buuxiyo booska uu baneey doono Kaka.