Tottenham oo shaacisay Emmanuel Adebayor in uu aadayo tartanka Qaramada Africa

Naadiga Tottenham ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in Emmanuel Adebayor looga yeeray xulka waddankiisa Togo si uu uga qaybgalo tartanka Africa Cup of Nations.

28-jirkan ayaa horrey loo shaaciyay in laga saaray liiska ciyaartoyda waddankiisa u matalaya koobkan, kaddib markii uu ganaac dul dhigay xiriirka waddanka Togo FA.

Waxa ay wadahadleen Adebayor madaxweynaha Togo Faure Gnassingbe kaasoo ciyaaryahanka u ballan qaaday in uu ka qaybgali doono koobka qaramada Africa.

Xiddiggii hore ee reer Arsenal ayaa la sheegay in Axadii toddobaadkan uu u safray dalka South Africa halkaasoo ay ku sugan yihiin xulka Togo si toddobaadka dambe ay uga qaybgalaan tartanka soo socda.

Macalinka kooxda Spurs Andre Villas-Boas ayaa si cad u sheegay in ciyaaryahan Adebayor  uu go’aan ku gaaray siddii uu ugu safri lahaa waddanka South Africa.

“Waa wax iska caadi ah, ciyaaryahanka waxa uu yeeray xiriirka kubadda cagta waddanka Togo, kuwaasoo anniga iyo madaxda kooxda iyo taageerayaasha ka codsaday in ay soo fasaxaan Adebayor” ayuu yiri mar uu la hadlaayay saxaafadda.

Adebayor  ayaa heshiis la gaaray kooxda  Tottenham  intii lagu jiray xilli ciyaareedkan, markii uu qaab amaah ah ula joogay.

Kooxda qaranka Togo ayaa iyagoo la socda bas waxa lagu weeraray soohdinta ay la wadaagaan dalka Angola sannadkii 2010-ka, waxana ku dhintay weerarkaas illaa seddax qof.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here