Tottenham oo dooneysa xidigga AC Milan’s Stephan El Shaarawy

International-Champions-Cup-2013-Third-Place-Match-2138934Wargeyska Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska,ayaa shaaciyay maanta oo Axad ah in kooxda Tottenham ay dooneyso weerar yahanka kooxda AC Milan, Stephan El Shaarawy bisha January.

Xidiggan waxaa aad u doonaya tabbabare Andre Villas-Boas, maadama kooxda uu ka tagay Gareth Bele.

Qoraa ka tirsan Jariirada Sunday People, Dave Kidd ayaa sheegay in kooxda Spariska ay heesato dhaqaale kuusan oo ay kala soo bixi karto xidigga ay u aragto muhiim.

Kooxda Spurs-ka waxaa xagaaggan iska iibisay 7-ciyaartoy, kuwaasoo kala ah Gareth Bale, Steve Caulker, Scott Parker, Tom Huddlestone iyo Jake Livermore.

Waxaana ay taas ay la timid ciyaartoy muhiim sida Roberto Soldado, oo ka yimid kooxda Vellencia, balse weli waxa ay dooneyaa xidiggo muhiim ah sida xidigga reer Talyaani ee El Shaarawy iyo mid ka Spain Fernando Llorente oo ka tirsan kooxda Juventus.

Kooxda ayaa lagu wadaa in ay ka tagaan bisha January Jermain Defoe iyo Emmanuel Adebayor sida laga soo xigtay tabbabare Villas-Boas.

El Sharaawy ayaa lagu qiyaasay qiimihiisa ugu yaraan £20million.

Sidoo kale Llorente, oo ah 28-jir ayaa isna wuxuu soo jiitay kooxaha Spain iyo Ingiriiska, balse wuxuu ku dhib qabaa in uu la qabsadyo Turin kaddib markii uu si xor ah uga soo tagay Athletic Bilbao.

El-Shaarawy ayaa ku biiray dhowr ciyaartoy oo dhaawac ah, kuwaasoo kala ah Daniele Bonera, Giampaolo Pazzini, Matias Silvestre, Mattia De Sciglio, Ignazio Abate and M’Baye Niang oo dhammaan ay ku dartay Milan kuwa ka dhaawacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here