Naadiga waddanka Ingiriiska ee Tottenham ayaa rabta in ay la soo wareegto xiddiga kooxda Inter Milan ee Wesley Sneijder.
Wargayska The Mirrore ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska ayaa qoray maanta in Sneijder ay aad u baadi goobeyso kooxda Spurs-k, taasoo rabta in ay la soo wareegto bisha January, kaddib markii uu dhexmaray labada dhinac wadahaddal.
Cayaaryahanka reer Netherlands, ayaa loo baahan yahay in la keeno kooda Tottenham, si loogu xoojiyo ciyaaraha ay kooxda ka qaybgaleyso koobka Champions League, laakin wali heshiiskan ma ahan mid hirgalay.
18-bil ka hor, tababaraha kooxda Europe Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa isku dayay in uu kula soo wareero Sneijder lacag lagu sheegay £25million-oo uu wehliyo cayaaryahan reer Iatly oo ka tirsan kooxda Inter kaasoo ku fadhiya £10m.
Laakin u soo warigitaanka cayaaryahankan garoonka Old Trafford, waxa ay noqotay mid aan suuragal noqon, waxana 28-jirkan ay isku koox ahaan lahaayeen xiddiga kale ee isku waddana yihiin ee Robin van Persie oo isna ka tirsan Manchester United.