Torres oo lagu daray 23 ciyaartooy ee xulka Spain

Weeraryahanka kooxda Chelsea Fernando Torres ayaa lagu daray liiska 23-ka laacib ee xulka Spain uga qeybgali doonta ciyaaraha Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012.

Gooldhaliyaha kooxda Sevilla Alvaro Negredo ayaa ku guuleystay booska weeraryahanka lugta ka jaban David Villa, kaasi oo ku dhacay inuu soo kabto ka hor inta aysan bilaaban ciyaarahan bisha June.

Gool ilaaliyaha Manchester United David de Gea ayaa boos ka waayey xulka, laakin xidiga dhexe ee Barcelona Cesc Fabregas ayaa loo yeeray waloow uu dhaawac ka qabo lugta.

Dadka aanan xulka sanadkaan ka mid aheyn waxaa ugu weyn kabtanka Barcelona Carlos Puyol kaasi oo ku waayey dhaawac culus oo uu la jiifo, kadib marki jilibka qaliin loogaga sameeyey.

Tababaraha xulka Spain Vicente Del Bosque ayaa ku tilmaamay laacibiinta sanadkaan ka maqan Spain ee kala ah Villa iyo Puyol kuwo aanan la badali karin isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda, balse ay daruufaha ku qasbeen sababo la xiriira dhaawacyada ay qabaan.

Xulka Spain oo buuxa:

Goolhayaasha: Iker Casillas (Real Madrid), Pepe Reina, (Liverpool), Victor Valdes (Barcelona).

Daafacyada: Alvaro Arbeloa (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid), Juanfran (Atletico Madrid), Jordi Alba (Valencia), Raul Albiol (Real Madrid), Gerard Pique (Barcelona), Javi Martinez (Athletic Bilbao).

Qadkadhexe: Xavi (Barcelona), Sergio Busquets (Barcelona), Andres Iniesta (Barcelona), Xabi Alonso (Real Madrid), David Silva (Manchester City), Santi Cazorla (Malaga), Cesc Fabregas (Barcelona), Juan Mata (Chelsea).

Weerarka: Jesus Navas (Sevilla), Pedro (Barcelona), Fernando Llorente (Athletic Bilbao), Fernando Torres (Chelsea), Alvaro Negredo (Sevilla).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.